Dawooyinka daryeelka xanuunka dhimirka

Mid ka mid ah daryeelada xanuunada dhimirka waa daryeelka dawada. Xanuunada qaarkood daryeelka dawadu waa lagama maarmaan, xanuunada qaarkood waxay leeyihiin fursad keliya oo daryeel ah. Tusaale ahaan daryeelka rasmiga ah ee niyadjabka ee ugu habboon waa daryeel dawo iyo mid teraabiyada cilminafsi oo wadajira.


Daryeelka dawadu wuxuu u suurtogelin karaa nololxataa kuwa xanuunada culus qaba. Sanad walba in ka badan 700 000 finnish ayaa isticmaala ugu yaraan markiiba dawooyinka loo qaato xanuunka dhimirka. Marka laga soo tago Isticmaalka guud ee dawooyinka dhimirka haddana waxaa weli mararka qaarkood la xidhiidha shaki ama ceeb laga qabo. Arrinta ugu xun oo ay taasi keeni karto waxay tahay iyadoo qofka daaweynta u baahan uu dawada isticmaalkeeda iska joojiyo, oo ay dabadeedna xaaladiisa caafimaad xumaato.


Dawooyinka dhimirka waa in loo la dhaqmaa sida dawooyinka kale ee loo qaato xanuunada jidhka. Dawooyinku waxay yareeyaan, ka hortagaan ama ay daryeelaan calaamadaha kala duwan ee xaaladaha khayaaliga ee aan loo adkeysan karin. Doorashada dawada xanuunka dhimirku waxay ku xiran tahay hadba sida ama nooca calaamadaha iyo waxyaabaha keena xanuunku ay yihiin.


Helitaanka dawo habboon mararka qaarkood waxay qaadan kartaa waqti. Daawooyinka dhimirka waa kuwo aad loo baadhay, taas oo dhakhtarku ku qiimeyn karo, nooca dawada ee faa’iidada u yeelan karta bukaanka. Waxtarka daawada dhimirka waxay ku saleysan tahay, sida ay saameyn ugu yeeshaan xarunta neerfaha iyo maskaxda, taas oo loo yaqaan maaddada dhexe.


Joojinta dawada dhimirka waxaa amra mar walba dhakhtarka

Joojinta dawada waxaa ka imaan kara calaamado kaladuwan, sida dhidid, madax xanuun iyo wareer. Kuwaas waxaa loo yaqaanaa calaamadaha joojinta waxaana la arki karaa tusaale ahaan marka la joojiyo dawooyinka niyadjabka, inkastoo dawooyinka niyadjabku aysan keeneyn qabatin jidh ahaaneed. Isticmaalka dawooyinka dejinta waxay keeni kartaa inay ka dhalato kharta qabatinka dawada, waxaana jira habab kala duwan oo lagu yareyn karo khatartan. Sii akhri dawo qabatinka.


Calaamadaha joojintu waxay yihiin kuwo dhif ah marka dawo qabatinku abuurmo, waana kuwo u dhasha si caadi ah markii laga yareeyo xaddiga isticmaalka dawada xubnihii la qabsaday. Calaamadaha joojinta awgeed isticmaalka dawada waxaa loo joojiyaa badanaa si tartiib ah ama xaddiga dawada oo la dhimo si tartiib ah tusaale marba in yar.


Haddii calaamadaha joojinta aysan dhamaanin waqtigii la rabay, tusaale ahaan qofka u xanuunsan niyadjabka waxaa habboon inuu la xidhiidho dhakhtarka. Mar marka qaarkood waxaa dhacda in daawada la joojiyo waqti hore ama niyadjabka soo cusboonaado. Dhakhtarku wuu qiyaasi karaa waqtiga loo baahan karo in dawada la dhimo ee calaamadaha dawo joojintuna yihiin kuwo soo yaraanaya.

 

Xasuuso inaad qaadatid dawadaada!

Dawadu waxba uma tarto sidii la rabay, haddii aan loo qaadan sidii dhakhtarku amray.